Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Dawladda Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafti uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray caasimadda KMG ah ee Jubbaland ee Kismaayo.
Wasiir Aadan Barre ayaa booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubbaland, sida ay shaacisay Madaxtooyada Kismaayo.
“Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Kooxda Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.”
“Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan.”