Badri Cabdiraxmaan oo dil lagu xukumay

247

Maxkamadda ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin, oo lagu helay in dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed ,dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay 21 kii November ee sanadkii 2023.

Baaris dheer dabadeed xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday tobankii bishii February ee sannadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.