DAAWO:- Ceerigaabo oo dagaal foolanaysa

105

Xiisadda dagaal u dhexeysay Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa haatan kasii dareysa, waxaana labada dhinac ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo si weyn looga dareemay gobollada Sool iyo Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in xiisaddan ay sii hurisay dilal iyo rabshado ka dhacay Ceerigaabo, kadib markii ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad hubeysan ay isku dhaceen.

Dilkii ugu dambeeyay ayaa waxaa loo gaystay Salmaan Aadan Cabdi Madoobe, waxaana ka horreeyay dilka laba qof oo kale oo deegaan ahaan kasoo jeeda SSC-khaatumo.

Golaha wasiirada Khaatumo oo xalay shir aan caadi ahayn ku yeeshay gudaha magaalada Laascaanood ayaa ka shiray xaaladaha soo kordhay, waxayna soo saareen warsaaxafadeed ay ku cambaareeyeen dilalkii ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee waqooyiga Soomaaliya.

Waxaan tacsi ka direynaa shaqooyinkii ka dhashay falkaa argagixisanimo oo mar labaad shacabka SSC weerar lagu soo qaaday oo lagu dilay laba wiil oo ka tirsan shacabka SSC-Khaatumo”.

SSC ayaa shaaca ka qaaday inay la socoto dhaq-dhaqaaq gar-darro ah oo ay sheegtay in Somaliland ay ka waddo halkaasi, waxayna ku eedeysay argagixisanimo.

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhow isha ugu hayaa, ulana socdaa falalka ay ku kacayaan maamulka argagixisada ah ee Somaliland, wuxuuna si adag u cambaareynayaa falalkan oo la xiriira socdaalkii dagaal hurinta ee uu horjoogaha Somaliland ku yimid magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag” ayuu mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Khaatumo ayaa sidoo kale wacad ku martay inay jawaab cad ka bixineyso daan-daansiga Somaliland, haddii aysan ka waantoobin waxa ay ka wado dhulkeeda.

Gardarooyinka ka socda Ceerigaabo ee daan-daansiga ah jawaabtoodu waxay noqon doontaa mid cad, haddii aan laga waantoobin falalka argagixisada ah” ayaa lasii raaciyay.

Ugu dambeyn waxaa la faray ciidamadda SSC-Khaatumo inay galaan heegan buuxa, isla markaana u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Somaliland.

Waxaa la farayaa dhammaan ciidamad difaaca maamulka SSC-Khaatumo inay heegan sare ugu jiraan difaaca dalkooda iyo dadkooda, una diyaar garoobaan xaalad kasta oo imaan karta” ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aanka kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo.