Talyaaniga oo joojiyay fiisaha dalka ku galka ee uu siin jiray Soomaalida

79

Dowladda Talyaaniga ayaa si rasmi ah u joojisay fiisihii Schengen ee laga bixin jiray xarunta safaarada Talyaaniga ku leedahay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay bateen dadka qaatay fiisahaasi oo iska dhiibay dalal kuyaalla qaarada Yurub.

Qoraal kasoo baxay safaarada dowladda Talyaaniga ku leedahay Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay lana hakiyay codsiyadii safaarada soo gudbisay ee ku aadanaa in fiisaha Schengen la siiyo dad badan oo Soomaaliyeed oo soo dalbaday.

Fadlan waxaa la ogaysiinayaa in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay si degdeg ah u joojisay bixinta dal-ku-galka ee Schengen ee dhammaan codsiyada ay qabato safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, wixii faahfaahin ah fadlan kala xidhiidh safaaradda Talyaaniga ee Nairobi,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Sida aan wararka ku heleyno sababaha loo joojiyay bixinta fiisaha Schengen ayaa lagu sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed oo isugu jiray shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo ku baxay fiisahan ay dib usoo laaban waayeen, kuwaa oo iska dhiibay dalal kuyaalla qaarada Yurub.

Wasaaradad Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaana la sheegay in dad badan oo ay lacago ka qaadatay u dalabtay fiisaha Schengen , kuwaa oo markii hore sheegay in ay dalxiis iyo howlo u baxayaan soona labaanayaan , balse dalal kale iska dhiibay.

Sida aan xogta ku helnay wasaaradda Arrinaha Dibadda Soomaaliya ayaana dhaqaalo badan ka sameyn jirtay fiisaha Schengen ee la joojiyay, waxa ayna wasaaradda dad ay ka dhigtahy shaqaale dowladeed iyo dad kalaba u fududeyn jirtay sidii ay fiisahaasi ku heli lahaayeen kuna tagi lahaayeen Yurub.