DAAWO:- Taliye Sulub oo loo dallacsiiyay Sareeye Gaas +SAWIRRO

93

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin.

Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta nabad-galyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey ciidanka booliska ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidamada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Taliye Sulub ku amaanay sida uu ciidanka ugu soo biiriyey oo fursad u siiyey dhalinyarada firfircoon ee u caaboon inay u shaqeeyaan dalkooda.

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay nidaamka dalacsiinta saraakiisha ciidamada, isagoo sheegay in dalacsiintu ay ku xiran tahay shaqo, balse aysan ku xireyn waqti iyo in laga baryo madaxda.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in todobaadkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo dheer dib u dhaceysay, sababo la xiriira is qab-qabsi hareeyay kursigan oo uu hadda ku fadhiyo Jeneraal Sulub Axmed Firin oo kasoo jeedo Jubbaland.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Khamiista berri ah la magacaabayo taliyaha cusub ee Booliska oo loo wado Janaraal Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeedo Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qorshaha uu yahay in Asad lagu magacaabo shirka Golaha Wasiirada oo uu todobaadkan guddoomin doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.

Xogihii u dambeeyay ee kursigan waxay sheegayaan inay Xasan Sheekh iyo Xamza ka wada-hadleen in kursiga la siiyo Asad Diyaano, oo hoos loo dhigo colaaddii ay ku mideysnaayeen ee reer Puntland.

Xamza waxaa la sheegay inuu hadda halkii hore kasoo dabcay oo uu ogol yahay in la beddelo Sulub, si loogu diyaar garoobo marxalada labaad ee xukunka Xasan Sheekh oo hadda laba jirsaday.