Qarax ka dhacay meel udhaw guriga Hooyooyinka

41

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay afaafka hore ee maqaayadda lagu magacaabo Geel-doox oo ku taalla dhabar dambe ee guriga hooyooyinka.

sida ay dad Goobjoogayaal ay sheegeen in baabuurka qarxay la dhigay maqaayadda, kadibna looga tegay.

Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa maqaayadda ku sugnaa dad badan oo shacab ah, maadaama la joogay waqtigii qadada, sida ay innoo sheegeen dadka aan la hadalnay.

Khasaaraha hordhaca ah ayaa lagu sheegay dhimashada laba qof iyo sidoo kale dhaawac intaasi ka badan, sida aanu kasoo xiganay dad goobjoogayaal

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo gebi ahaan xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa sidoo kale ka dhex muuqday mootooyinka nooca loo yaqaan Bajaajta oo gubtay iyo burbur kale oo gaaray goobo ganacsi oo ku yaalla agagaarka goobtaas qaraxa uu ka dhacay.