Spain oo sharci siinaysa 300.000 oo qof

55

Spain ayaa Sharci Siineysa ku dhawaad 300 kun oo Sharci ku heysan Dalkaasi iyadoo ula jeedka uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalkaasi ilaa sanadka 2027.

Dowladda Spain ayaa sharciga daganaanshaha siineysa 300,000 oo muhaajiriin ah oo aan sharciyeysneyn sanadkii seddexda sano ee soo socota, wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay

Wasiirka socdaalka Elma Saiz ayaa ku dhowaaqday in hannaanka sharciyeynta tirada badan uu qayb ka yahay istaraatiijiyadda dalka ee lagu kordhinayo xooggiisa shaqada loogana hortagayo saameynta xun ee dadka da’da ah.

Saiz wuxuu intaa ku daray in joogteynta gobolka daryeelka Spain ay u baahan doonto qiyaastii 250,000 ilaa 300,000 shaqaale ajnabi ah oo canshuur bixiya sanadkii.

Sida ku cad qorshayaasha cusub, dawladdu waxay qorshaynaysaa inay soo gaabinayso oo ay fududayso hababka sharci iyo maamul ee shaqada iyo ogolaanshaha joogitaanka.

Muhaajiriinta ayaa lagu soo waramayaa in loo ogolaan doono in ay isku diwaan galiyaan sida kuwa iskood u shaqeysta ama kuwa mushaar qaata, iyadoo la siinayo dammaanad dheeri ah oo xuquuqda ilaalinta shaqada ah.