Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo geeriyooday

39

Madaxweynihi hore ee dalka Mareykanka Jimmy Carter, ayaa shalay oo Axadd aheyd ku geeriyooday xarun si gaar ah loogu daryeelayay oo ku dhextaalla guriga uu ku lahaa degmada Plains ee gobolka Goergia ee dalkan Mareykanka.

Jimmy Carter ayaa ahaa madaxweynihi 39-aad ee soo xakuma dalka Mareykanka, waxa ayna hadda da’diisu aheyd 100 sano jir , waxa uuna dalka Mareykanka Madaxweyne ka ahaa Carter intii u dhaxeysay sanadihii 1977 ilaa 1981 .

Wiil u dhalay Madaxweynaha geeriyooday ayaa sheegay in aabihiis in badan lagu dadaalay daryeelkiisa, waxa uuna ku sifeeyay aabihiis in uu ahaa geesi aad looga jeclaa gudaha Mareykanka , sidoo kale ahaa nin jaceyl nabadda kana shaqeenayay ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu cimriga dheeraa ee soo mara dalka Mareykanka, waxa uuna bishii October ee sannadkan u dabaaldegay da’da 100-sano, mana jiro Madaxweyne Mareykan ah oo soo gaaray da’dan oo kale.

Madax kala duwan oo caalamka xukuma ayaa ka tacsdiyadeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Mareykanka, waxa ayna inta badan madaxda caalamka ee ka hadlay geerida Jimmy Carter ku sifeeyeen in uu ahaa hoggaamiye wannaagsan oo nabadda jeclaa.