Waxa si buuxda loogu guulaystay bakhtiinta dab xooggan oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa, dabkaas oo burburiyay qaybo ka mid ah suuqa.
Dabkan oo ahaa mid xooggan isla markaana khasaare maaliyadeed u geystay suuqa ayaa ugu dambayn lagu guulaystay in la xakameeyo, sida uu warbaahinta u sheegay Maayarkii hore ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco.
“Waxaan u mahadcelinayaa ciidanka dab-damiska, ciidanka booliska, iyo ciidanka milateriga oo dhammaantood ka wada qayb qaatay dadaalladii bakhtiinta dabka. Hadda waa la damiyay, waana la xakameeyay,” ayuu yidhi Soltelco.
Mid ka mid ah ganacsatada haweenka ee ganacsiga yar yar ku leh suuqa ayaa iyada oo tiiraanyaysan, u sheegtay MMTV in ay garan kari weyday goobtii meheradeedu ku taallay, maadaama dabku gabi ahaanba baabi’iyay.
“Meheradaydii waxba kama garanayo, waxaan imid goobtii oo isku wada ekaatay. Waan hurday markii la ii soo sheegay warka,” ayay tidhi.
Dadweynaha goobta ku sugnaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in waddo xumida suuqa darteed ay ciidanka dab-damisku gali kari waayeen gudaha suuqa, taasina ay sababtay in dabku sii fido oo uu ballaadho.
“Qasaaraha ugu badan dadweynuhu iyagaa sabab u ah, suuqu malaha waddo gaadhi mari karo, xitaa kaaryoone ma mari karo,” ayuu yidhi mid ka mid ah goobjoogayaasha oo la hadlay HCTV.
Suuqa Gobonimo waa suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa, marka laga yimaado Suuqa Waaheen oo laba sano ka hor gubtay, balse haatan dib loo dhisay.