Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay inuu doonayo in dadka reer Sanaag ay la dhistaan maamulkiisa, si hal maamul ay u wada yeeshaan.
Wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ay ku wiiqayaan Somaliland, isla markaana lagaga hortagayo gooni-isu-taaga Somaliland, taasoo ah in gobollada Sool iyo Sanaag gabi ahaanba laga jaro Somaliland.
“Waxa noo qorshaysan in dadka gobollada Sool iyo Sanaag la isu keeno, la mideeyo, maamul ay u dhan yihiin oo ay ku midaysan yihiin ay wada dhistaan,” ayuu yidhi Firdhiye.
Firdhiye ayaa Somaliland ku eedeeyay inay dhibaato u gaysatay qaybo kamid ah dadka reer Ceerigaabo, oo magaalada ka qaxay kaddib cabsi ka dhalatay xaalado amni darro oo ay magaaladu wajahday, isaga oo sheegay inay magaalada la wareegi doonaan.
“Deegaanno dadkayagu deggenaayeen ayaa laga soo barakiciyay dadkayagii. Waxaan filayaa in Soomaaliya iyo caalamkuba ay daawadeen barakicintii, boobkii iyo dhibaatadii dadka loo geystay. Weli guryahoodii waa laga haystaa, way ku noqonayaan, waxa ku celinaya waa maamulkooda,” ayuu yidhi Firdhiye.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku taamaya inuu Somaliland kala wareego gobollada Sanaag iyo Sool qaybaha ay gacanta ku hayso, iyadoo dhowr jeer uu hoggaamiye Firdhiye ku baaqay in loo diyaar garoobo arrintaas.
Somaliland ayaa sheegtay inay difaacayso gobolladan, iyadoo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, uu sheegay in Somaliland aysan ka tanaasuli doonin wax ka mid ah xuduudihii ay ka dhaxashay Ingiriiska.
Xaaladda deegaanadan weli ma saldhigin, inkastoo ay Somaliland sheegtay inay dhigayso gogol nabadeed, isla markaana ay qarameysay ciidamadii beelaha ee dhankeeda ka socday, haddana muranka dhuleed ee labada dhinac wali wuu taagan yahay, waxaana jiray isku dhacyo ciidan oo khasaare sababay maalmihii lasoo dhaafay.