Shirkadda Microsoft oo noqotay basaas la shaqeeya Israel

22

Warbixin uu daabacay wargeyska The Guardian ayaa daaha ka qaaday iskaashi dhow oo ka dhexeeya unugga 8200 ee Israa’iil iyo shirkadda Microsoft, si loo kormeero loona kaydiyo dhammaan wicitaannada telefoon ee ay sameeyaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku sugan Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, taasoo noqoneysa mid ka mid ah mashruucyada ugu waa-weyn ee basaasnimada caalamka.

Warbixintu waxay xaqiijisay in unugga 8200 loo oggolaaday in ay galaan meel gaar ah oo loo asteeyey gudaha madasha “Azure” ee ay leedahay Microsoft, si halkaas loogu kaydiyo dhammaan wicitaannada telefoon ee ka yimaada Gaza iyo Daanta Galbeed, loona kormeero loona falanqeeyo, si toos ahna loogu adeegsado howlaha milatari ee uu qaadayao ciidamada Israa’iil.

Dhinaca kale, Wargeyska “The Times” ee British-ka ah ayaa daaha ka rogay in diyaaradaha basaaska ee Britain ay sii wadaan duulimaadyadooda cirka ah ee ka socda hawada Qaza si ay u caawiyaan ciidanka gumaysiga Israel ee ku raad-jooga helidda maxaabiista.

Wargeysku wuxuu xusay in ilo dowladeed oo ka tirsan dowladda Britain ay xaqiijiyeen in xogaha sirdoon ee laga helay ilo kala duwan oo British ah oo ku sugan gobolka, uuna ka mid yahay ciidanka cirka boqortooyada (RAF), loo gudbiyo ciidanka Israa’iil si ay u helaan xog deg deg ah oo ku saabsan maxaabiista.

Wargeysku wuxuu sheegay in diyaaradaha loo adeegsado duulimaadyadan ay yihiin nooca “Shadow R1” oo lagu qalabeeyay tiknolajiyo horumarsan oo elektaroonig ah iyo muuqaalba leh, taasoo u oggolaaneysa in si sax ah loo baaro waddooyinka iyo dhismayaasha, loo baaro kolonyada baabuurta ah, isla markaana si weyn loogu weyneeyo dhaqdhaqaaqyada la bartilmaameedsanayo.

Wargeysku wuxuu sidoo kale sheegay in Wasaaradda Difaaca ee Britain ay sheegtay in ujeeddada duulimaadyadani ay tahay ururinta xog sirdoon si loo helo maxaabiista, balse aysan ahayn taageero la siiyo weerarada milatari ama in la go’aamiyo bartilmaameedyo la duqeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, Jeneraal sare oo howlgab ah oo lagu magacaabo Charlie Herbert, kana tirsanaa ciidanka 35 sano, ayaa yiri:

“Way fududahay in la yiraahdo xogta sirdoonka waxaa loo gudbinayaa si loogu helo maxaabiista, balse xaqiiqda dhabta ah waxay tahay in xogtan aad u badan ay u badan tahay in sidoo kale loo adeegsado bartilmaameedsiga Xamaas iyo kooxaha kale “

HALKAN  KA AQRI SHEEKADAN