Konteenaro maandooriye ka buuxeen oo laqabtay (Sawirro)

26

Laamaha ammaanka dowladad Soomaaliya , ayaa dekadda weyn ee magaalada Muqdisho waxa ay ku qabteen konteenar ay ka buuxeen waxyaabaha maanka-dooriya oo ay sida weyn waayahan dambe u isticmaalaan dhallinyarada Soomaaliyeed .

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekadda ayaa sheegay in laamaha amniga qabteen labo kunteenmar oo maan-dooriyaha lagu soo qariyay kaddib xog ay heleen booliiska.

Waxa uu sheegay afhayeenka maan-dooriyaha booliiska qabteen ay ku jiraan kaniiniga loo yaqaan Taramadool oo ka koobnaa 17 kartoon, kaniiniga bili bili 120 kartoon ah, Sharoobada loo yaqaan koodhiin oo iyana maan-dooriye ahaan loo isticmaalo oo 120 kartoon iyana aheyd.

Booliiska, ayaa sheegay in tallaabo adag ka qaadi doonaan ganacsatadii waxyaabahan maanka-dooriya soo galinayay magaalada Muqdisho, si loogu fidneeyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee mustaqbalka leh, kuwaa oo muddooyinkan si weyn u isticmaalayay kaniiniyaashan .

Tallaabadan dowladda Soomaaliya ku qabatay waxyaabahan maanka-dooriya , ayaa kusoo aadaya xilli shalay sidana oo kale garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyana loogu qabtay maan-dooriyaal kale oo magaalada lasoo galinayay.