Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo ka tirsana Maleeshiyaadka Al-shabaab oo horay qaraxyo iyo dilal qorsheysnaa uga geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Labada nin ee saakay toogashada lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqiinay Salmaan iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow.
Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa ragaan horay dil toogasho ah ugu riday kadib markii fadhi ka yeelatay dhagaysiga eedaha loo soo jeediyay iyo difaaca Qareenadooda, hayeshee ugu dambeyn xukunkii horay loogu riday ayay saakay Maxkamaddu ku fulisay.
Dadka la tilmaamay iney dileen labadaan nin ee toogashada lagu fuliyay waxaa kamid aha Nabadoono ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo qaybta ay maamusho Puntland sida lagu sheegay warka kasoo baxay Maxkamadda ciidamada Qalabka.
Waa markii afaraad bishaan gudaheeda oo ay Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay xukuno dil toogasho ah ku fuliso rag ka tirsanaa Al-shabaab oo horay xukuno toogasho ah ugu riday Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in wali xabsiyada dowladda Fedaraalka ku xiran yihiin rag ku xukuman dil toogasho ah.