Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP248 ee Golaha Shacabka, doorashada kursigaan ayaa goordhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa la tartamay musharax malxiis ahaa oo lagu magacaabo Shafici Ahmed Ali
Kursigan ayaa waxaa iska casilay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne), sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa, si dhab ah looma shaacin sababta ka dambeysa in uu iska casilo kursigaan uu ku fadhiyo muddo 5 bilood ah.
Sadiiq Afweyne oo ah wiilka Xildhibaan Afweyne ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri, “Waxaan halkaan ka cadeeynaya in aabahey Xildhibaan Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) iska casilay xilkii Xildhibaanimo ee uu ku matalaayay bulshada reer Galmudug gaar ahaan reer Cadaado isaga oo uga tagay sababo jiro awgeed.
Afweyne ayaa ku guuleystay kursiga HOP#248 kaddib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug 4tii Maarso sanadkaan 2025, waxa uu sidaas ku buuxiyay kursigaan oo muddo bannaanaa