Ninkii dilay Charlie Kirk oo la qabtay

26

Tyler Robinson, oo 22 jir ah ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay dilka Charlie Kirk, oo ahaa xagjir midigta fog ah oo taageerro u ahaa Israa|l iyo xasuuqa ay ka wado Qasa . Ninka dhallinyarada ah ee toogashada ku dilay Kirk, waxaa la sheegay inuu aabbihii u qirtay dilkaa qofka ka dambeeyay inuu yahay , isla markiiba aabbihii wuxuu xaaladan wargeliyay booliiska , isagoona mashquuliyay wiilkiisa illaa ay Booliiska soo xireen.

Laakin waxaa jira waxyaabo la yaab leh oo ku dhex jira dilkan?

Markii uu dilkan dhacay , gudaha Mareykanka waxaa ka dhashay dareen ah , cidda ka dambeeysay , ma la siyaasadeyn doonaa kiiskan oo ma looga faa’iideysan doonaa hab lagu cadaadiyo dareenka dadka Mareykanka ah ee muslimiinta u badan oo ka soo horjeeda Israa|l iyo taageerrada uu Mareykanka siiyo , xataa dilkan wuxuu cabsi gelinayay soogalootiga, maaddama ninka la dilay uu ahaa mid ka soo horjeeday dadka soogalootiga ah.

 

Balse , kiiskan hadda wuxuu aaday dhinac aan si dhaqso ah looga filan! Sida uu shaaciyey guddoomiyaha gobolka Utah, Spencer Cox, baarayaashu markii ay gacanta ku dhigeen qoriga lagu tuhunsan yahay in lagu dilay Kirk, waxay dhexdiisa ka heleen rasaas lagu xardhay farriimo cajiib ah. Qoraalladaas waxaa ka mid ahaa: “Hey faashiistow, kan qabo”, “Haddii aad tan akhrinayso, waxaad tahay khaniis lol” iyo erayo ka tirsan heesta caanka ah ee Talyaaniga “Bella Ciao,” oo asal ahaan ahayd hees ay isticmaali jireen iska-caabiyeyaashii dagaalka ka dhanka ahaa faashistayaasha ama nidaamyadii siyaasadeed ee ku dhisnaa kelitalisnimo, cunsuriyad, iyo xoog ku cabburinta dadka.

Si la mid ah wargeyska Wall Street Journal iyo CNN ayaa baahiyay in rasaasta la helay ay sidoo kale ku qornaayeen erayo kale oo ay ka mid yihiin hal-ku-dhigyo taageero u ah kooxaha jinsigooda beddela (transgender). Arrintan ayaa kor u qaaday su’aalaha ku saabsan waxa dhabta ah ee salka uu ku hayo dilka Charlie Kirk oo si adag uga soo horjeeday kooxaha jinsigooda beddela. Isku darka xogahaas ayaa ka dhigaya in dilka Charlie Kirk oo aha xubnaha ugu codka dheera ee u ololeeya xusbiga jamhuuriga , xiriir wanaagsana la lahaa Trump uusan u muuqan dhacdo toogasho oo caadi ah, balse uu yahay fal ka tarjumaya dagaal fikir, siyaasadeed iyo bulsho oo ka socda gudaha Maraykanka.