
Shacabka Muqdisho ayaa Caawa waxay dhigeen dibad bax balaaran oo ay ku muujiyeen siday uga soo horjeedaan damaca Yuhuuda ee kala qeybinta dhulka Somaliweyn,iyagoona watay calanka Somalia ee leh xididka 5 ta gees.
Isgoyska Taleex ee Muqdisho oo aad ugu dhaw isgoysla kale ee KM4 oo mar kasta lagu dhigi jirey isu soo baxyada dareenka reer Muqdisho ayaa caawa buux dhaafiyay xili amniga Magaalada Muqdishana uu yahay mid aad u sareeya. Alle SWT ayaana uga mahadcelineynaa.
Isu soo baxaan ayaa imaanaya xili 26-kii bishaan Natanyahu ku dhawaaqay inuu Dowlad ahaan u aqoonsaday Maamulka Somaliland si uu shacabka reer Qaza qasab ugu soo raro dhulka reer Somaliland oo ayna qaxooti u noqdaan noloshooda inta ka dhiman.





















