Xasan, iyo mucaaradka oo is-faham hordhac ah gaaray

40

 

Waxaa soo gabagaboobay maalintii koowaad ee shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo saaka ka furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka maanta ayaa lagu gaaray isfaham hordhac ah, iyadoo maalinta berri ah loo ballamay sii amba-qaadista wada-hadallada labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo madaxda Puntland iyo Jubaland, Saciid Madoobe iyo Axmed Madoobe, iyo Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa isku afgartay in si dhab ah loo wajaho wada-hadallada, taas oo durba keentay isfahamka hordhaca ah.

Dhinacyada ayaa si qoto dheer uga wad-hadlay doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed, maadaama inta badan madaxda maamullada muddo dhaaf ku fadhiyaan kursiga.

Waxaa la filayaa in berri la kala caddeeyo nuuca doorasho ee maamul goboleedyada waqtigooda dhaafay laga qaban doono. Labada dhinac ayaa isku afgartay sii wadista wada-hadallada, si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha jira, kaasi oo salka ku haya hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamada berri iyo kuwa xigga lagu soo qaadi doono arrinta xasaasiga ah ee wax-ka-beddelka dastuurka, taas oo la filayo in isfahan ballaaran laga gaaro, si looga gudbo caqabadaha hortaagan dhameysirka dastuurka KMG ah.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo, ayaa waxaa indhaha ku haya Beesha Caalamka oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Waxa kale oo soo baxaya xogo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in laga yaabo in wada-hadallada la ballaariyo, laguna soo daro qaybaha bulshada rayidka ah heerarka dambe ee shirka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.