Xasan Sheekh oo booqanayo mid kamid Dowlad-goboleedyada

72

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay booqasho ku tegaan gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow Villa Somalia ayaa innoo xaqiijiyay safarka madaxweynaha ee Baydhaba oo kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus, ayna fashilmeen wada-hadalladii Golaha Mustaqbalka.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka safarka Xasan Sheekh uu la xiriiro daah-furka doorashooyinka goleyaasha deegaanka oo ka bilaabanaya Koonfur Galbeed, waxaana horay u tegay guddiga doorashada oo jadwaleeyay doorashadaas.

Sidoo kale, qorshaha ugu wayn ee Villa Somalia ayaa ah in saddexda Maamul-goboleed Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ay ka qabato doorashooyin la la waafajinayo Dastuurka wax ka beddal lagu sameeyay ee weli dooddiisu ka socoto xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaase diidan mucaaradka.

Jubbaland iyo Puntland ayaa dhankooda kasoo horjeedo qorshahan, waxayna iyaga xubnaha mucaaradka dalbanayaan in marka hore doorashooyin dadban la galiyo saddexdan maamul oo uu ka dhammaaday muddo xileedka, si loo hoggaansamo sharciga.

“Goluhu wuxuu ku adkeystay in doorashada Dowlad-goboleedyada muddo dhaafka ah la qabto, iyada oo la raacayo sida uu dhigayo Dastuurka Dowlad-goboleedyada iyo mabaadii’da Dastuurka Federaalka Soomaaliya, taa beddalkeena dowladdi waxay dooneysaa in doorashooyinka saddexda Maamul-goboleed lagu qabto sharciyad doorasho iyo habraacyo ku saleysan Dastuurka wax ka beddalkiisa la’isku haysto,” ayaa lagu yiri bayaan maanta kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa uga sii dareysa khilaafka ka dhashay is-waafajinta jawadalka iyo nooca doorashada dalka oo ay isku hayaan labada dhinac.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo si weyn la’isugu hayaan doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka.