
Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga qodi doono baddeenna loo bixiyay magaca “Curad 1-aad”, sida uu shaaciyay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Daahir Shire Maxamed.
Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasabad dhawaan lagu sagootinayay markabka Çağrı Bey, oo qaabilsan howlaha qodista kana ambabaxay dekedda Taşucu ee gobolka Mersin ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu magacaas u doortay ceelka.
Wuxuu yiri, “Maanta waxaan u joognaa ambabixintii markabka shidaalka qodi lahaa ceelka ugu horreeyay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu magac daray Curad Kow.”
Waxaa la filayaa in markabku muddo 45 maalmood ah ku soo gaaro xeebaha Soomaaliya. Tani waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee markab Turki ah oo ku takhasusay qodista biyaha aadka u moolka dheer uu howlgallo ka fuliyo meel ka baxsan biyaha dalka Turkiga.
Daahir Shire Maxamed ayaa munaasabadda ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo sheegay inay astaan u tahay soo kabashada dalka iyo hiigsiga mustaqbal dhaqaale oo wanaagsan. Wuxuu xusay in markabkani uu xanbaarsan yahay rajo cusub oo ku dhisan sharci, hufnaan iyo isla xisaabtan.
“Markabkan maanta u ambabaxay biyaha Soomaaliya ma aha oo keliya qalab farsamo; waa astaan qaran, waa rajo, waa fursad, waa bilow cusub oo ku dhisan sharci, hufnaan iyo mas’uuliyad,” ayuu yiri Wasiirku.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in kheyraadka shidaalka loo maamuli doono si waafaqsan xeerarka caalamiga ah, si dakhliga ka soo baxa uu uga faa’iideysto jiilka maanta iyo kuwa mustaqbalka, islamarkaana uu gacan uga geysto kobaca dhaqaalaha dalka.
Howshan ayaa ka dambeysay heshiis dowladeed oo la saxiixay bishii Maarso 2024, kaas oo lagu horumarinayo qaybaha saliidda iyo gaasta.
Shirkadda tamarta ee dowliga ah ee Turkiga, Turkish Petroleum (TPAO), ayaa haysata rukhsadaha baarista saddex qaybood oo ku yaalla biyaha Soomaaliya, halkaas oo sahanno dhul-gariir (seismic surveys) ah lagu soo gabagabeeyay sannadkii tegay.
Sida uu sheegay Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, markabka Çağrı Bey wuxuu awood u leeyahay qodista ilaa 12,000 mitir (39,370 cagood), isaga oo ka mid ah maraakiibta ku shaqeeya biyaha aadka u qoto dheer.
Dhererka minaaraddiisa oo gaaraya 114 mitir (374 cagood) awgiis, ma mari karo Kanaalka Suweys; sidaas darteedna wuxuu ku soo wareegayaa qaaradda Afrika, isaga oo soo maraya Marinka Rajada Wanaagsan si uu u gaaro Badweynta Hindiya.
Bayraktar ayaa xusay in howlgalkan uu qayb ka yahay qorshaha ballaarinta caalamiga ah ee shirkadda tamarta Turkiga. Wuxuu sheegay inuu rajeynayo in hawlgalkani uu sare u qaadi doono xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, isla markaana la filayo in qodistu ka bilaabato Soomaaliya bisha April.
Inta uu howlgalka socdo, markabka waxaa wehlinaya maraakiib ka tirsan ciidanka badda Turkiga, oo ay ka mid yihiin TCG Sancaktar, TCG Gökova iyo TCG Bafra, si loo xaqiijiyo amniga hawsha.




















