DAAWO Lafta gareen oo diyaarsaday ciidan fara badan.

28

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta, kuwaas oo loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada maamulkaasi, xilli ay jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.

Ciidamadan ayaa muddadii uu tababarku socday lagu baray xirfado muhiim ah oo ay ka mid yihiin ilaalinta amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidanka dadaalkooda, isagoo ku boorriyey inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda, gaar ahaan ka hortagga wax kasta oo lid ku ah xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo maalmahan dambe ay sii kordhayeen hadallo is khilaafsan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo qaybo ka mid ah gobollada Koonfur Galbeed, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo xaaladda amni iyo siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.

Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo laga gaaro maamulka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada AUSSOM iyo dowladda Itoobiya oo kaalin ka qaadatay tababarka ciidanka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wasiirrada, saraakiisha amniga, iyo shacabka Koonfur Galbeed taageerada ay u muujiyeen ciidamada, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu difaacayo amniga iyo dowladnimada, xilli ay jirto xiisad muuqata oo u baahan xal degdeg ah iyo wada-hadal siyaasadeed.