
Diyaarad dagaal oo Maraykanka laga leeyahay ayaa lagu soo riday dalka Iran, waxaana socda howlgal lagu baadigoobayo cid ka badbaaday,sida ay u sheegeen saraakiil Maraykan ah wakaaladda wararka ee Reuters maanta.
Soo ridida diyaaradan ayaa ah tii ugu horeysay oo diyaarad Mareykan ah ay ku dhacday gudaha dalka Iran tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeyay Iran oo dhinac ah iyo Israil iyo Maraykanka oo dhinac ah.
Illaa hadda ma cadda halka ay ku danbeeyeen duuliyaashii iyo shaqaalaha dayaaradda.
Diyaaradda ayaa ahayd mid ay leeyihiin Ciidanka Cirka oo ah nooca F-15E, sida laga soo xigtay saraakiisha iyo sawirrada burburka oo ay faafisay warbaahinta dawladda Iran. Pentagon-ka iyo Taliska Dhexe ee Mareykanka kama aysan hadlin dhacdadan.
Saraakiisha Iran ayaa ugu baaqay dadka rayidka ah inay ka fiirsadaan in la badbaadiyo shaqaalaha diyaarada, waxayna baraha bulshada buux dhaafiyeen sawirro muujinaya burburka diyaaradda.
Guddoomiyaha gobolka Kohgiluyeh iyo Boyer-Ahmad ayaa sheegay in qof kasta oo soo qabta ama dila shaqaalaha diyaarada in si gaar ah loo abaalmarin doono, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Iran ee ISNA.
Dhacdadan ayaa noqonaysa tii afraad ee ah dayaarad F-15 ah oo la waayey tan iyo markii uu dagaalku bilowday. Horraantii bishii Maarso, shaqaalaha Kuwait ayaa si khalad ah u soo riday saddex ka mid ah diyaaradahaas. Dhammaan lixdii shaqaalihe ee saarnaa ayaa si nabad ah looga soo saaray.
Illaa hadda, 13 askari oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay iska horimaadka, in ka badan 300 oo kalena waa lagu dhaawacay, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka. Ma jiro ciidan Maraykan ah oo Iran ay maxbuus u qabatay.




















