Maxay Fiqi iyo Cali Xoosh oo kudhex lugeeyay Baydhabo + Sawirro

87

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa booqasho ku tegay qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo.

Wasiirrada ayaa halkaas kula kulmay shacabka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo kormeeray xaaladda amniga iyo horumarka laga sameeyay sugidda xasilloonida.

Booqashadan ayaa muujinaysa dadaalka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku bixineyso xoojinta amniga, kobcinta kalsoonida shacabka, iyo adkeynta xiriirka u dhexeeya dowladdu iyo bulshada.

Intii ay ku sugnaayeen Baydhabo, Wasiirrada ayaa si weyn u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in amniga iyo is-dhexgalka bulshada la isku xiro, maadaama nabad waarta lagu gaari karo oo keliya marka ay shacabka iyo hay’adaha amniga si dhow u wada shaqeeyaan.

Waxay tilmaameen in shacabka ay laf-dhabar u yihiin amniga, isla markaana ay door muuqda ku leeyihiin ka hortagga iyo la dagaallanka khataraha amni.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi iyo Cali Xoosh ayaa ku ammaanay shacabka magaalada Baydhabo doorkooda firfircoon ee nabadeynta iyo la-dagaallanka argagixisada.

Ugu dambeyntiina, wasiirrada ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha amni-darrada wada, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa shacabka iyo ciidamada qalabka sida.