
Taliyihii hore ee Ciidankii Laftagareen ayaa maanta Deegaanka Awdiinle ee duleedka Baydhaba wuxuu kaga dhawaaqay in Madaxweyne Xasan go’aan ka gaari karin cida xukumeysa Maamulka Koofurgalbeed.
Sarkaalkaan oo muuqaal Iska soo duubay ayaa is weydiiyay Madxweyne Xassan ma Baydhaba ayuu moodaa Caddalle iyo Adan Yabaal.
“Reer koofur-galbeed waxaan idin leeyahay waxaa noo roon inaan aayaheena anaga ka tashano laakiin in naloo meeriyo Inta kama shaqeneyso”ayuu yiri sarkaalkaan
Warka Sarkaalkaan ayaa ku soo aadayaa xili maalmo ka hor ciidamadii Laftagareen oo ka yimid Awdiinle lagu soo bandhigay Baydhaba xili ay ku soo biireen kuwa Dowlada Somalia ee Baydhaba ku sugan,waxaana la arkayay iyagoo sawiro la galaya Mahad Maxamed Salaad oo ah Agaasimaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.
Sidoo kale Sarkaalkaan wuxuu sheegay sidii Ceydiid iyo Habargidir ugu soo duuleen Baydhaba ay hadana Abgaal ugu soo duuleen.




















