
Trump oo lagu yaqaan la xifaaltanka cidii ka aragtida duwan, walina dhexda kaga jira yooyootanka madaxda aduunka, gaar ahaana Isbahaysigii NATO oo sii kala galbanaya ayaa baadigoobay in uu nuglaansho ka helo Ra’iisulwasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, wuxuuna sheegay in ay u baahan yihiin in Koobka Aduunka ay ciyaaraan oo meesha laga saaro Iran oo ay is hayaan.
“Waxaan rabnaa inaan xiriir wanaagsan la yeelanno Talyaaniga, sidaas darteed Talyaaniga waxaa rabaa in lagu casumo Koobka aduunka ee 2026, meeshana laga saaro Xulka Iran in ay dheelaan” ayuu yiri Donald Trump.
Laakiin jawaab lama filaan ah ayaa uga timi dhinaca Meloni, iyadoo sheegtay in aysan baahi dalkeeda u qabin ku guuleysiga horyaalnimada Koobka Aduunka ee ciyaaraha.
“Tan May, Mahadsanid, anaga waxaan nahay dal 4 goor ku guuleystay hanashada Koobkan Adduunka, hadda sharciyada ayaa muhiim noo ah, qasab maaha in nagula abaalmariyo ka qaybgal oo kaliya.” ayay tiri RW Talyaaniga oo dibir kudhufatay Trump.




















