
Siyaasiyiinta mucaaradka oo ay wehliyaan qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho ayaa mudaharaad ka dhan ah dowladda ku qabtay xarunta xisbiga Himilo Qaran.
Siyaasiyiinta qeybta ka ahaa mudaharaadka waxaa ka mid ah madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdiraxmaan Caynte, Cabdiqaadir Cosoble iyo mas’uuliyiin kale.
Mas’uuliyiinta ayaa watay istiikaro ay ku yaallaan sawirrada Sacdiyo Macalin Cali, Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed oo ka mid ah dhalinyarada xisbiga Himilo Qaran, kuwaas oo dhammaantood u xiran dowladda.
Madaxweyne hore Shariif iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ku dhawaaqay inay garab taagan yihiin Sacdiyo oo ahayd gabar dhalinyaro ah oo bajaajle ahayd, isaga oo dalbaday in si degdeg ah looga sii daayo xabsiga.
“Waxaan faraynaa hay’adaha garsoorka iyo amniga inay si degdeg ah xorriyaddeeda dib ugu soo celiyaan Sacdiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Intaas kadib, mas’uuliyiinta mucaaradka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa yeeshay kulan looga hadlayay xaaladda dalka, iyadoo kulankan uu qeyb ka yahay wada-tashiyada ay mucaaradku ka wadaan magaalada Muqdisho.
Mucaaradka ayaa sheegay in habka loola dhaqmay Sacdiyo uu dhaawac weyn ku yahay sumcadda dowladnimada iyo hay’adaha sharciga, iyagoo xusay in aanu jirin wax sharci ah oo loo maray xariggeeda, isla markaana aysan jirin dacwad cad oo loo haysto.
Sidoo kale waxay si weyn u dhaliileen hoggaanka dalka, oo ay ku eedeeyeen inay muujinayaan tabar-darro siyaasadeed iyo dulqaad la’aan marka ay timaado aragtiyada ka duwan kuwa dowladda, taas oo ay sheegeen inay halis ku tahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.





















