
Kumanaan ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka oo wata gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah ayaa maanta ka anbabaxay Magaalada Muqdisho iyagoona ku sii jeeda Gobolka Shabeelaha hoose.
Ciidamada waxaa la dar daarmay Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xogga dalka Sareeye guuto Sahal C/llaahi Cumar wuxuna u sheegay inay u howlgalaan sidii ay Alshabaab uga xoreyn lahaayeen Degaanada ay kaga harsan yihiin Gobolka Shabeelaha hoose.
Ciidaadaan oo ah kuwo cusub ayaa aad loo qalabeeyay waxaana lagu daabulay gaadiidka xamuulka ee ciidamada Xoogga,waxaana dhinac socda gaadiida dagaal ee qoryaha waa weyn ku rakiban yihiin.





















