Bisle Cumar oo oo lagu xurey Adis-ababa

45

Wararka laga helaayo Caasimada Dalka Itoobiya ee Adia-ababa ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay Bisle Cumar oo ka mid ah dhalinyarada caanka ka ah Baraha bulahada.

Inkastoo aan xaqiiqo loo heyn cida xarigiiaa ka danbeysa hadana warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu ku lug leeyahay Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Cagjar.

Wararkaani ayaa intaasi ku daraya in Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu yaqaan caburin iyo cabsi gelin lidi ku ah dhalinyarada baraha bulshada iyo wariyayaashaba.

Dhanka kale ma jirto wax masuul ah oo ka hadlay xariga la sheegay in Bisle Cumar loo geystay kaasoo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee reer Jig-jiga.