Cabdiweli Ibraahim Garyare siisay kaarka madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

13

Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta kaarka musharraxnimada ee xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug guddoonsiiyay Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare, kaas oo noqonaya musharraxa rasmiga ah ee ururka uga qaybgalaya tartanka doorashada ee xilkaas.

Munaasabad ka dhacday xarunta dhexe ee ururka JSP ayaa kaarka musharraxnimada lagu guddoonsiiyay Senator Cabdiweli Garyare, waxaana ka qaybgalay Xoghayaha Guud ee ururka, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan Guddiga Fulinta ee JSP, wasiirro, xildhibaanno, xubnaha ururka iyo taageerayaashiisa.

Go’aanka musharraxnimada Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare ayaa yimid kadib markii Guddiga Fulinta ee JSP uu si aqlabiyad leh ugu go’aamiyay inuu noqdo musharraxa rasmiga ah ee ururka ugu tartamaya xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay ururka.

JSP ayaa sidoo kale tallaabadan ku xaqiijisay taageerada ay urur ahaan u siinayso Senator Cabdiweli Garyare, iyadoo kaarka musharraxnimada ee la guddoonsiiyay uu rasmi ka dhigayo matalaaddiisa ururka ee tartanka loogu jiro hoggaanka sare ee maamulka Galmudug.

Musharraxnimada Garyare ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan diyaar-garowga iyo loollanka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka hoggaanka Galmudug oo la filayo in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb.

Doorashadan waxaa ka horreysay doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug, taas oo ay ku guuleysteen guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen, xubno ka tirsan ururka JSP.

Sidoo kale, xilka madaxweynaha Galmudug ayaa loo saadaalinayaa Liibaax Axmed Xasan, oo ay taageerayso Villa Somalia, halka la qorsheynayo in madaxweyne ku-xigeen isna loo doorto Cabdiweli Garyare, oo maanta la guddoonsiiyay kaarka musharraxnimada ee ururka JSP.