Doorashadii Guddoonka iyo mida Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lahakiyay.

28

 

Guddiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in la hakiyay doorashada guddoonka iyo mida madaxweynaha Koonfur Galbeed ee la filayay inay dhacdo 18-ka May 2026.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dib loo dhigo doorashada, sababa la xiriira in guddiga uu sugayo go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo gudbiyay dacwad ku saabsan ansixinta natiijooyinka doorashada.

Guddiga ayaa qoraalka ku caddeeyay in marka uu helo natiijada Maxkamadda ay sii wadi doonaan howlaha doorashooyinka, si loo dhammeystiro.

“Marka uu guddigu helo jawaabta Maxkamadda Sare, GMDQS wuxuu diyaar u yahay fulinta waajibaadka ku xusan qodobka 67aad, farqaddiisa 2aad ee sharciga doorashooyinka, gaar ahaan iclaaminta jadwalka dhaarinta xubnaha la doortay iyo sii guda gelidda howlaha doorashooyinka guddoonka Golaha iyo hoggaamiyaha,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wuxuu guddigu shaaciyay inay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo hufnaanta doorashada, si loogu kalsoonaado natiijada.

“GMDQS wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga, hufnaanta iyo dhammeystirka habraacyada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Doorashada Koonfur Galbeed oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa ku loolamayo xisbiyo siyaasadeed, waxaana kamid ah xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uu u sharraxan yahay guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Si kastaba ha’ahaatee, Hakinta doorashada guud ee Koonfur Galbeed ayaa imaaneysa xilli ay Soomaaliya wajahaysa xiisado siyaasadeed iyo muran la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax ka beddelka dastuurka .