
Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay Kiiska eedeysane Sacdiya Macalim, dhacdooyinka lagu kicinayo bulshada ayada oo la adeegsanayo baraha Bulshada iyo Arrimo kale.
Dr Suleymaan wuxuu ku dhawaaqay inay ansixiyeen oo ay sharci dastuuri ah tahay xariga Sacdiya Bajaj oo ah gabar baraha bulshada caan ka ah balse loo heysti kicin bulsho kadib muuqaalo iyo qoraalo badan oo ay Dowlada ku mucaaraday taasoo keentay in la soo xiro 12-kii April .
” markay Maxkamadu dhageystay warbixintii hordhaca ahayd ee ku saabsan kiiska eedeysanadda Sacdiya Macalin Maxkamaddu waxay ku qanacday warbixinta waxayna ansixisay xarigeeda si waafaqsan Dastuurka wayna soo mudeysay dhawaan ayaana la dhageysan-doona”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.




















