Xuutiyiinta Yemen oo digniin adag udiray Cirro.

21

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa digniin adag ka soo saartay xiriirka u dhexeeya maamulka la magac baxay Somaliland iyo Israa’iil kadib markii Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cirro uu booqasho ku tegey Isra’il.
Bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in safarka Madaxweynaha Somaliland uu yahay tallaabo aan la aqbali karin, gaar ahaan xilli gobolka Bariga Dhexe ay ka socdaan dagaallo iyo xiisado sii xoogeysanaya.

“Maamulka Sahyuuniyadda ee Israa’iil waxa ay wadaa qorsheyaal ay ku ballaarinayso saameynteeda gobolka, balse Yemen waxa ay ka hor istaagi doontaa dadaal kasta oo lagu doonayo in Israa’iil ay saameyn ku yeelato Soomaaliya iyo Geeska Afrika.”ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xuutiyiinta.

Kooxdu waxay sidoo kale ugu baaqday dalalka Carabta inay qaadaan tallaabooyin ka baxsan cambaareyn siyaasadeed oo keliya, si looga hortago xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.

“Waxaan muujineynaa taageeradeena Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana garab taaganay dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.”ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa booqasho ku jooga Isra’il isagoo heshiis la saxiixday madaxweynaha Isra’il inkastoo aan la soo bandhigin heshiiskaas.