
Duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa si adag u dhaleeceeyay guddiga xiriirka dadweynaha ee Maraykanka iyo Israel (AIPAC), isagoo ku sifeeyay “Wuxuush” adeegsata balaayiin doollar oo lacag madow ah si ay u kala qeybiyaan dadka Maraykanka ah, ugana hortagaan in dimuqraadiyaddu qaado dhabhaheeda saxda ah.
Mamdani ayaa hadalkan ka jeediyay isu-soo-bax weyn oo uu horkacayay Senator Bernie Sanders oo ka dhacay degmada Brooklyn, kaas o loogu talagalay in lagu dhiiragaliyo codbixiyayaasha ka hor doorashooyinka horudhaca ah ee Xisbiga Demuqraadiga si loo doorto xubnaha horusocodka ee u tartamaya Koongareeska.
Mamdani ayaa ku eedeeyay AIPAC inay maalgelinayso ololayaal horseedaya in lasii wado waxa uu ku tilmaamay Xasuuqa iyo dagaalada Netanyahu ee ka dhanka ah Qaza.
Senator Bernie Sanders ayaa isna taageeray hadalkaas, isagoo xusay in qayb weyn oo kamid ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ay saameyn ku leedahay maalgelinta AIPAC.
Arrimahan ayaa muujinaya khilaafka sii kordhaya ee dhexyaala garabka horusocodka ah ee xisbiga oo taageersan in cadaadis la saaro Israel lana joojiyo dagaalka iyo madaxda xisbiga oo weli difaacaya xiriirka adag ee Maraykanka iyo Israel.
Hadalka Mamdani wuxuu dhaliyay hadal-heyn ballaran iyo iska horimaad dhanka ra’yiga ah. Qayb kamid ah bulshada Yuhuudda ah iyo maalqabeenka Bill Ackman ayaa ku tilmaamay hadalkaas mid aad u halis ah oo dhalin kara nacayb ka dhan ah yuhuudda, halka dadka u dooda xuquuqda falastiiniyiinta ay ku ammaaneen geesinimada uu u muujiyay difaaca dadka reer Falastiin.




















