António Guterres oo nin Soomaali ah u magacaabay xil sare.

23

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku dhawaaqay magacaabista Maxamed Yahya oo u dhashay Soomaaliya, isagoo u magacaabay xilka Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Ku Xigeenka Isuduwaha Gurmadka Degdegga ah ee Xafiiska Isuduwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay (OCHA).

Maxamed Yahya ayaa xilkan kala wareegi doona Joyce Msuya oo u dhalatay Tanzania.

Mas’uulkan Soomaaliyeed ayaa xilka la imanaya khibrad ka badan labaatan sano oo uu ka soo shaqeynayay dhinacyada horumarinta, gargaarka bani’aadannimada iyo nabad-dhiska, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay xarumaha dhexe, xafiisyada gobollada iyo goobaha shaqada ee Afrika iyo Koonfurta Aasiya.

Haatan, Maxamed Yahya wuxuu yahay Isuduwaha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo Isuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Pakistan, halkaas oo uu hoggaamiyo mid ka mid ah howlgalada ugu waaweyn ee Qaramada Midoobay ee gobolka Aasiya iyo Baasifigga. Waxa uu sidoo kale hoggaamiyay isku dubbaridka jawaabta Qaramada Midoobay ee fatahaadihii waaweynaa ee Pakistan ka dhacay sannadkii 2025.

Magacaabistan ayaa loo arkaa guul diblomaasiyadeed oo muhiim u ah Soomaaliya, iyadoo Maxamed Yahya uu ka mid noqonayo masuuliyiinta ugu sarreeya ee Soomaaliyeed ee xilal heer caalami ah ka qabta Qaramada Midoobay.