
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa hirgelinaya isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.
Xafiisku wuxuu sheegay in laga bilaabo 1-da Oktoobar 2026, shaqaalaha dowladda ee aan weli haysan Aqoonsiga Qaranka lagu boorrinayo inay si degdeg ah isaga diiwaangeliyaan NIRA, si looga fogaado carqalad ku timaadda mushaar-bixintooda.





















