Iran oo weerartay saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe

15

 

 

Iran ayaa gantaallo ballistic ah ku weerartay laba saldhig oo ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Jordan, iyadoo sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay duqeyn Mareykanku ka geystay jasiiradda Larak ee koonfurta Iran.

Ilaalada Kacaanka Iran ee IRGC ayaa sheegtay inay weerar isku dhaf ah oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ku qaaday saldhigyada King Hussein iyo Al Azraq, oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan ah. Reuters ayaa sidoo kale xaqiijisay in IRGC ay sheegatay weerarrada labada saldhig.

IRGC ayaa howlgalka ugu magac dartay “Ciqaabta Gardarrada”, waxayna sheegtay in weerarradu burburiyeen kaabayaal farsamo iyo kuwa dayactirka, iyo goobo ay diyaaradaha dagaalka ku sugnaayeen.