Dagaal culus oo ka qarxay Baydhaba kadib markii…

15

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhow uu dagaal culus ka qarxay duleedka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeya ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday kadib markii ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada. Labada dhinac ayaa la sheegay inay is-weydaarsanayaan rasaas iyo hub culus.

Daryanka hubka culus ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Baydhaba, taas oo cabsi weyn ku abuurtay shacabka deegaanka, kuwaas oo horey ula kulmay dagaallo iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada.

Afhayeenka kooxda taabacsan Lafta-gareen, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo muuqaal soo duubay, ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen magaalada, isla markaana uu weli socdo howlgalka.

Afhayeenku wuxuu shacabka ugu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan inta uu dagaalku socdo, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta iska horimaadka.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed inay is dhiibaan, isagoo sheegay in ciidamada isa soo dhiiba si wanaagsan loola dhaqmi doono.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, iyadoo xaaladda magaalada Baydhaba ay weli kacsan tahay.