Faransiiska oo ciidamo u diraya Sacuudiga.

16

Faransiiska ayaa ciidamo, raadaarro iyo nidaamyo difaac u diri doona Sacuudi Carabiya si ay gacan uga geystaan ilaalinta magaalada dekedda ah ee Yanbu ee ku taalla Badda Cas, waxaa sidaas Khamiistii ku dhawaaqay madaxweyne Emmanuel Macron.

Yanbu ayaa muhiimad gaar ah u yeelatay dhoofinta shidaalka Sacuudiga, xilli weerarro gantaallo ah ay halis geliyeen marinnada kale ee tamarta gobolka.

Macron ayaa sheegay in Paris iyo Riyadh ay dhammeystireen heshiis lagu xoojinayo difaaca goobta, isagoo carrabka ku adkeeyay in ciidamada Faransiiska aysan u socon inay si toos ah uga qeyb qaataan dagaallada gobolka.

“Waxaan direynaa awood militari, taas oo ah ciidamo, nidaamyo raadaar iyo nidaamyo difaac si loo ilaaliyo goobtan — ma aha inaan ku lug yeelanno wax dagaal ah, balse inaan ilaalinno goobtan,” ayuu Macron u sheegay telefishinnada TF1 iyo France 2.

Dekedda Yanbu, oo ku taalla xeebta galbeed ee Sacuudiga, ayaa ah mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee dalkaas uu shidaalka uga dhoofiyo Badda Cas.

Muhiimaddeeda ayaa sii korortay iyadoo xiisadaha gobolka ay carqaladeeyeen isu-socodka tamarta, taas oo Sacuudiga ku qasabtay inuu si weyn ugu tiirsanaado waddooyinka dhoofinta ee ka baxsan marin-biyoodka Hormuz.