“Adiga Ayaa Ka Fiican…..”:- Hadalkii Uu Marcelo U Sheegay Neymar Oo La Kashifay

1716

Marcelo ayaa wakhti u helay in uu La Sheekaysto xiddiga ay isku dalka yihiin ee Neymar ka hor kulankii ay kooxda Real Madrid bar-baraha la gashay kooxda PSG.

Kulanka ayaa ka dhacay garoonka Estadio Santiago Bernabeu kuna dhamaaday bar-baro 2/2 ah xilli uu Neymar kaydka ku bilowday kulanka muhiimka u ahaa labada kooxood.

Labada xiddig ee isku dalka ah ayaan muddo is arkin maadama ayna labadooduba ka qayb qaadan kulamada xulka qaranka kulamadii ugu dambeeyay sidoo kale uuna Neymar haatan ku noolayn Spain.

“Adiga ayaa u ciyaara si ka fiican Kylian Mbappe”Ayay Kamerooyinku qabteen Marcelo oo ku yidhi Neymar.

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta waliba si weyn wax uga badalay ciyaarta isaga oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta inkasta oo uuna wax gool ah dhalin hadana Neymar ayaa saamayn ku yeeshay ciyaarta.