Arsenal Iyo Brighton Oo Bar-bar Dhac ku kala tagay+SAWIRRO

1343

Ka dib ciyaar xaraarad laheyd , Arsenal iyo Brighton ayaa ku hishiiyay bar bar dhac bilaa goolal ah

Sheekada ciyaarta :Brighton iyo Arsenal ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kooxda Arteta aad looga wacnaa

Brighton aad ayay isugu xernaayeen weerar iyo difaac waxa ayna Arsenal ku dileen kubad raacasho iyo isku balaarinta garoonka.

Arsenal kaliya hal fursad ayay abuureen waxaana Brighton kaliya ka maqnaa dhameystirtka waxa ayna Arsenal kaga sareeyeen heerka kubad hayshada .

Soo laabashadii , Brighton ayaa maamulka ku sareeysay balse ma jirin halis gilin labada dhinac imaaneyeen  waxaana Arsenal daqiiqadii 53-aad gool xaqiiq ahaa ka qasaariyay weeraryaankooda Aubameyang balse seeriga digniinta ayaa ka horeeyay offside dartiis.

Arsenal isku dayo ayay sameyanayeen balse dafaca Brighton ayaa aha amid adag , waxa uuan Arteta daqiiqdii 63-aad soo giliyay  Nicolas Pepe oo loo saaray Martin Oedegaard halka daqiiqadii 72-aad uu soo raaciyay Alexandre Lacazette oo loo saaray Pierre-Emerick Aubameyang

Arsenal dhamadkii waa u dhawaanayeen gool balse mar waliba halistooda waa la soo celinayay .

Dhamaadkii Arsenal waxaa bad baadiyay goolhayahooda kaasi oo kubado xaqiiq ah u diiday Southampton.