Barcelona Oo Waqtigii Geerida Guul Ka Gaartay Real Sociedad +SAWIRRO

2050

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa hoggaanka horyaalka LaLiga dib ugu soo laabatay kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen Real Sociedad oo ay ku martigeliyeen Camp Nou.

Lionel Messi ayaa jidka guusha kusoo celiyey kooxdiisa isaga oo gool u beddelay rikoodhe loogu dhigay kubbad uu gacan ku qabtay laacibka Le Norman oo ku jiray diilinta dhexdeeda, waxaana guushaasi ay siisay inay laba dhibcood ka sare marto Real Madrid oo

Daqiiqaddii 10aad, Messi ayaa kubbad u gudbiyey Braitwaite oo dhinaca bidix taagnaa, waxaana toogasho diciif ah oo uu sameeyey lugihiisa ku joojiyey goolhaye Remiro.

Daqiiqaddii 14aad, LIonel Messi iyo Braithwaite ayaa kubbad ay ka wada shaqeeyeen waxay Barcelona ugu sameeyeen fursaddii ugu horreysay ee ay u qaadeen inay gool kaga dhaliyaan Real Sociedad, laakiin waxa kubaddu ay si toos ah ugu tagtay goolhaye Remiro.

Daqiiqaddii 17aad, kubbad uu Alba ka keenay dhinaca bidix, waxa dhamaystiray Braithwaite laakiin garsooraha ayaa calanka u taagay maadaama uu offside caddaan ah ku jiray oo uu ka dambeeyey difaaca Sociedad.

Daqiiqaddii 42aad: Lionel Messi ayaa kaadh digniin ah loo taagay markii uu taako ku qabtay Merino

Daqiiqaddii 60aad, Lionel Messi ayaa kubbad uu kubbad uu ka helay Griezmann waxa uu ku dhuftay madaxa, waxaase kasoo qabtay difaaca Sociedad oo u dhowaa, laakiin kubaddaasi waxay taabatay birta.
Daqiiqaddii 79aad waxa Barcelona loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu Le Norman kubadda ku qabtay gacanta iyadoo uu diilintiisa dhex-taagan yahay.

Daqiiqaddii 81aad: Goal: Lionel Messi ayaa rikoodhihii loo dhigay gool u beddelay, waxaanu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa.

Si waliba oo dhamaadkii kooxda Real Sociedad u dadaaleen waa adkaaday in ay keeneen goolka bar bar dhaca waxa ayna kun dhamaatay halkaas gool.