Bayern Munich oo soo bandhigtay maaliyadda ay xiran doonto marka ay gurigeeda ku ciyaarayso+ SAWIRRO

1730

 

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee ka dheesha horyaalka Bundersliga ee dalka Jarmalka ayaa soo bandhigtay maaliyadda ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Bayern Munich waxa ay shaacisay maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay mininkeeda joogto xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20.

Maaliyaddan ayaa dhammaanteed wada casaan ah, xitaa kuleetiga iyo afka hore ee gacmaha, waxaana gabi ahaanteed ku xardhan diilimo aan si fiican u muuqan.

Labiskan cusub oo ay kooxda Munich ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee Adidas.

Soo bandhigtista maaliyaddan cusub waxaa ka qeyb qaatay Thomas Müller iyo David Alaba.