Chelsea Oo Dirqi Uga Badisay Newcastle+SAWIRRO

1971

Kooxda Chelsea ayaa guul ay ku dhibaatootay ka gaadhay kooxda Newcastle United kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Stamford Bridge.

Kulanka ayaa ahaa mid dhinac kaliya ka socday iyada oo ay kooxda Newcastle u muuqatay kuwo raali ahaa in ay bar-baro kala baxaan kulanka inta badana daafac ku jirtay.

Chelsea ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen gool xilli ay Newcastle iyaduna wax walba u samaysay sidii ay u ilaashan lahayd shabaqeeda.

Waxa bar-baro gool la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin inkasta oo ay Blues samaysay fursado waali ah.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Chelsea ku bilaabatay si waali ah iyaga oo Newcastle u diiday in ay neefsadaan kuna qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Laakiin Goolhayaha Newcastle ayaa sameeyay badbaadino wareer ah oo ay xitaa xiddigaha Newcastle u qaadan waayeen sida uu Goolhayohoodu u samaynayo badbaadinada.

Ugu dambayn daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marcos Alonso kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Newcastle ayaan samayn wax isku dayo badan ah xilli ay chelsea sii waday dadaalka ay ku doonaysay goolasha kale.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul dirqi ah ka gaadhay laakiin u qalantay marka loo eego qaab ciyaareedkeeda waliba si ku meel gaadh ah kaalinta 3-aad uga gashay premier League iyaga oo goolal kaga dambeeya Leicester City.