Chelsea Oo Garaacday Tottenham +SAWIRRO

1947

Kooxda Chelsea ayaa garaacday kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa premier League Lonodon Derby kana dhacay garoonka Stamford Bridge.

Kulanka ayaa ahaa mid si weyn loo sugayay marka loo eego in ay labada kooxood kaliya ka horeeyeen hal dhibic tartanka kala saraynta premier League.

Laakiin kulanka ayaa ahaa mid dhinac kaliya ahaa kaas oo ay Chelsea ka awood badnayn Tottenham min bilow ilaa dhamaadkii ciyaarta.

Chelsea ayaan odhan karnaa waxa ay dhalin kartay goolal ka badan inta ay dhalisay kulankan marka loo eego fursadihii ay heleen iskana khasaariyeen hadii ay birta ku dhacdo ama uu Goolhayaha Tottenham qirto.

Tottenham ayaa u muuqatay kuwo si weyn u dhibaatooday dhanka weerarka iyaag oo si weyn u tabay xiddigaha ka dhaawaca ee Kane iyo Son halka ay sidoo kale sameeyeen khaladaad dhanka daafaca ah.

Kooxda Chelsea ayaa daqiiqadii 15-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo Kalsoonida tababare Lampard ugu jawaabay gool.

Dhanka kale Chelsea ayaa si weyn isugu xidhnayd dhanka daafaca inkasta oo uuna khadkeeda dhexe ahayn mid aad u fiican laakiin weerarkeeda iyo daafaceed ayaa ahaa kuwo cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamataay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Chelsea soo bandhigtay qaab ciyaareed u qalma mid ay jawaab uga bixiso guuldaradii todobaadkii hore.

Qaybtii dambe ayay Chelsea maamulaysay ciyaarta xilli ay Tottenham ku dhibaatootay in ay dhaafto daafac adag oo ay chelsea dhigatay goolka hortiisa.

Chelsea ayaa qaybtii dambe gaar ahaan daqiiqadii 48-aad ciyaarta ku bilaabatay gool iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Marcos Alonso kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Chelsea ayaa biraha garaacday iyaga oo raadinyay goolal kale xilli ay Tottenham wali raadinaysay gool ay ciyaarta dib ugu furtu.

Tottenham ayaa daqiqiadii 88-aad dhalisay goolka ay muddo dheer raadinaysay laakiin waxa goolka iska dhaliyay xiddiga daafaca Chelsea ee Antonio Rudiger kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea gaadhay guul muhiim ah una qalantay iyaga oo sii xoojistaystay kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.