Chelsea ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Tottenham kulan uu Thomas Tuchel ku baasay tijaabadiisii ugu horaysay ee kooxaha waaweyn.
Qaybta Hore:
Kulanka ayaa ku bilowday Mid ay chelsea fiicantahay xilli Tottenham ku bilaabatay khal-khal iyaga oo aan qaadi karin wax weerar ah khal-khal difaacna ku jiray.
Chelsea ayaa iska maamulaysay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro ay ku halis galiyeen goolka kooxda Tottenham kuwaas oo meel ay wax u socdaan garan la’.
Kooxda Tottenham ayaa ku dhibaatootay in ay wax weerar ah ku qaado chelsea kuwaas oo ku gacan sareeyay wax walba oo ciyaarta.
Daqiiqadii 24-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay kadib Eric Dier oo khalad la yaab leh sameeyay.
Chelsea ayaa sii waday maamulista ciyaarta xilli ay Wiilasha Jose Mourinho u difaacanayeen goolkooda sidii ay iyagu hogaaminayaan ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea ka baxday ciyaarta iyaga oo hogaaminaya kulanka natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba.
Qaybta dambe:
Kooxda Tottenham ayaa u muuqatay kuwo si fiican u soo dhagaystay canaanta jose Mourinho iyaga oo si dar-dar leh ku bilowday qaybta dambe ee ciyaarta.
Kooxda Chelsea ayaa bilowday in ay difaacato goolkeeda iyaga oo dareemay khatarta ay Tottenham ku tahay goolkeeda qaybtii dambe.
Chelsea ayaa kaliya ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah dhanka kalena ku jiray difaac ay ku ilashanayeen goolka ay ku horeeyaan.
Tottenham ayaa smaysay fursado halis Galiyay kooxda Chelsea xilli ay raadinayeen in ay ciyaarta ku soo laabtaan goolka bar-baraha.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Chelsea guul diriq ah ka gaadhay kooxda Tottenham xilli uu xaalku ku sii xumaanayo Jose Mourinho.