DAAWO:-Argenitina oo timid kama-dambeysta +SAWIRRO

242

Argentina ayaa iska xadaarisay finalka ka dib markii sedex gool uga taqaluseen Croatia , waxaana saaxibada Messi ugu dambeeysay finalkaan 2014-kii

Sheekada qeybta hore : Argentina ayaa nasiinada ugu dirrtay Croatia laba gool oo nadiif ka dib ciyaar taatiko ahaan aad u wacneyd .

Biloowgii waa kala baqayeen labada qaran inkastoo saaxibada Modric ku badnaayeen maamulka kubadda hadana saaxibada Messi wax waliba wa laga filan karay
Croatia qalad goolhayahaya uu ku galay Alavarez waxaa laga dhigay rigoore u saxiixay Messi daqiiqadii 34-aad , ka dib Croatia dib ayay ugu laabanayaan aagga gooshooda inkastoo isku dayo ay sameeyeen aysan noqon kuwo mira dhala .

Qalad kale oo daafaca ayaa ka dhacay Croatia waxaa ka dhaliyay Alavarz daqiiqadii 39-aad , waxa ayna saaxibada Messi ku fiicnaayeen isku balaarinta garoonka , waxaana muuqaneysay in Messi ku mashquuleen balse si kale ayaa looga faa`ideystay
Qeybta labaad , Croatia waa ku badnaayeen kubadda balse daafac adag ayaa hor taagnaa oo meel ay geeyaan ayay waayeen xili Argentina rogaal celiska halis ku ahaayeen.

Messi mas`uuliyad auu qaaday finalka ayaa u muuqday gool sedexaad ayuu ka shaqeeyay waxaana saxixiay Alvarez daqiiqadii 69-aad .

Ka dib ciyaarta wax laga qoro ma jirrin , Croatia weerar kuma talo galin kulankaan .kubad haysasho bilaa qorshe ah.

Xulka Argentina ayaa u muuqday kuwo goolal lagu leeyhaya iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale isla markaas samaynaya fursado joogto ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Argentina markii 6-aad iska xaadiriyay Final-ka koobka adduunka taariikhdooda iyo markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2014.