DAAWO:-Chelsea Oo Kaalinta 4-aad Kala Wareegtay Liverpool +SAWIRRO

1563

 

Kooxda chelsea ayaa guul ay u qalantay kooxda Newcastle United kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhacay garoonka Stamford Bridge.

Qaybta Hore:

Kooxda Chelsea ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo cadaadis waali ah saaray xiddigaha kooxda Newcastle United.

Kooxda Newcastle ayaa fursadihii hore ee Chelsea iska difaacday kana hor istaagtay in goolla wakhti hore ah dhaliyaan.

Laakiin kooxda Newcastle ayaa awoodi wayday in ay xamisho cadaadiskii waalida ahaa ee ay xiddigaha chelsea ku hayeen iyo fursadihii ay samaynayeen.

Daqiiqadii 31-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Olivier Giroud kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda chelsea.

Newcastle ayaa isku dayday in ay ka soo baxdo daafaca iyaga oo bilaabay in ay qaadaan weeraro si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha.

Laakiin Arintaas ayaa ciyaarta u furtay kooxda chelsea kuwaas oo sii laba jibaaray weeraradii ay qaadayeen si ay ciyaarta u dilaan.

Daqiiqadii 39-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Timo Werner kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Qaybta Dambe:

Kooxda Newcastle ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo chelsea ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn daqiiqadihii ugu horeeyay qaybta dambe.

Chelsea ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda iyaga oo doonayay in ay jabiyaan dadaalka iyo isku dayada ay Newcastle ku doonayso in ay gool ku dhaliso.

Chelsea ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay qaab daafac ah iyaga oo ilaashanayay goolasha ay ku hor mareen sidoo kale ciyaarayay weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea gaadhay guul ay u qalanatay sidaasna kaalinta 4-aad uga gashay kala saraynta Premier League.