DAAWO:-Dagaal ka dhex qarxay labo Wasiir

1747

Wasiiradda Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya, Khadiija Max’ed Diiriye, ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeray Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, Xamsa Saciid Xamsa.

Wasiir Xamza ayaa ka hadlay xaaladii ay ku sugneyd Wasaaraddii Dhalinyarada iyo Isbooriga markii uu xilka la wareegayey bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

”Waxaan la wareegay xilka Wasaraadda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyadoo aan lahayn Xafiis aan subixii u shaqo tago, waxaan ugu tagay iyadoo shaqaalaha Wasaarada sanad iyo bar ilaa laba sano fasax isaga jiray mushaharna qaadanayey iyagoo gurigooda jooga” ayuu yiri Wasiir Xamza.

Isagoo ka hadlayey xeritaanka Shirka Wadatashiga siyaasadda Qaran ee dhallinyarada ayaa faallo ka bixiyey shaqada uu ka qabtay Wasaaradda iyo Wasaaradii ka horeysay ee Gargaarka oo uu ku wareejiyey Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Saddex bilood ayey igu qaadatay inaan Wasaaradii isu keeno, xafiis u raadiyo, shaqaalihii soo noqdaan, lagu shaqo bilaabo, waxay noqotay inaan eber ka bilowno, Hadda Wasaaradda waa socod barad, dhisme ayaana ka socda” ayuu yiri Wasiir Xamza.

Hase ahaatee Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Istoortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa jawaab kulul ka bixisay hadalka wasiir Xamsa, iyadoo sheegtay in xarunta Wasaaradda ay dhibaato kasoo gaareen qaraxyo, kadibna shaqaalaha loo fasaxay inay guryahooda ku shaqeeyaan.

“War-Dowladeed warqaduu ku-yaalaa, Wasiir Xamze waxaad ka mid aheyd golihii wasiiradda ee aqbalay fasaxa shaqaallaha wasaaradda ee weydii gudigaaga anshaxa iyo kan gob-shaqo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.” ayey tiri Khadiijo Diiriye.

Wasiirad Khadiija ayaa markeeda ku eedeysay Wasiir Xamza, inuu weli heysto Gaarigii Wasaaradda gargaarka ee iyadu ay hadda wasiirka ka tahay. “28-OCT/2021 ayuu igu wareejiyay xilka Wasaaradda Gargaarka, ilaa haddana wuxuu heystaa gaarigii hantida Wasaaradda lagu iibiyay, weliba iyadoo uu amar ku bixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka inuu soo celiyo ilaa iyo haddana lagama hayo, hanti qaran weligey la iguma eedeyn” ayey tiri wasiirad Khadiija.