DAAWO:-Liverpool iyo Brenford 3-3 ku kala tagay +SAWIRRO

1281

Naadiga liverpool ayaa ciyaartay kulan adag waxaana fiidnimadii caawa ay la ciyaareen kooxda Brenford oo kasoo dalacday heerka 2aad.

Wiilasha Klopp oo ka digtoon aargugashada Brenford maadaama 75 sano kahor liverpool sabab u aheyd iney ulaabato heerka 2aad tan & waqtigaasina sooma dalicin ilaa sanadkan.

Naadiga liverpool ayaa fursadii ugu horeysay waxa ay ku helay kubad loo tuuray salah kaasoo uu dhaafiyey goolhayaha lkn Yaabka uu la balan sanaa kadib markii kubada oo goosha galeysa difaaca brenford uuka soo saaray qadka goosha si lamid ah liverpool oo fursad taa lamid ah lagu helay hadana iska bad baadisay

Liverpool ayaa laga dhaliyey goolkii 2aad ee horyaalka kadib goolkii chelsea, Brenford ayaa fursad cajiib ah ka faa’iidyesatay waxaana u dhaliyey E. Pinnock kadib markii caawin afka hore ee diilinta uusoo marsiiyey kubad I. Toney si uu u iclaamiyo natiijada gool & waxba,

Liverpool waxa ay laheyd jawaab deg deg ah kadib kubad uusoo qaaday henderson ayaa madax uu ku dhuftay jota si ciyaarta bar baro unoqoto oo ay dib ugu laabato halkii ay ka bilaabatay , natiijada bar baraa 1-1 ayaa lagu kala tagay,

Qeybtii dambe ciyaartu waxa ay aheyd mid aad uxamaasad badneyd, iyadoo weeraro labada dhinacba ah laga daawaday daqiiqadii 54aad ee ciyaarta liverpool waxa ay la timid goolka 3 aad ee kulanka , kii 2aad ee liver & kiisii ugu horeeyey kulanka bal goolkiisii 100 ee liverpool .

Daqiiqadii 62aad kooxda Brenfrod waxa ay laheyd feker kale kadib markii goolka bar baraha ay keeneen kadib kubad uu madaxa ku dhuftay V. Janelt, lkn daqiiqadii 66 aad liverpool ayaa jawaab deg deg ah kabixisay goolkaasi, kubad saaruuq aheyd ayuu Jones ku tuuray goosha Brenford kaasoo uu qaban waayey goolhayahooda si natiijada unoqoto 2-3 oo liverpool gacanta sare ku laheyd .

Lkn halkaasi kuma dhamaan kulanka naadi Liverpool waxa lagu helay fursad dahabi ah kadib markii liverpool gool uuka dhaliyey Y. Wissa daqiiqadii 82aad gabagabadii ciyaarta.

intaa wixii kadambeeyey ciyaarta waxa ay laheyd dhadhan gaar ah iyadoo labada kooxood ay fursado dhowr ah aysameeyen hadana ciyaarta waxa ay kusoo afmeertay 3-3 .