Kooxda Liverpool ayaa garaacday kooxda Ac Milan kulan ka tirsanaa wareega Group-yada champions League kana dhacay garoonka San Siro xilli ay Atletico Madrid garaacday Fc Porto iskana xaadirisay wareega 16-ka champions League.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh iyada oo ay labada kooxood soo bandhigeen awoodooda mid walbana doonaysay in ay helaan 3-da dhibcood ee kulanka.
Liverpool ayaa kulanka u soo gashay shax aan ahayn mida joogtada ah iyada oo uu Klopp ku bilaabay xiddigo kaydka u fadhiya kooxda.
Ac Milan ayaa ku hor martay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Fikayo Tomori kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Ac Milan kana dhigay 1/0.
Kooxda Liverpool ayaa bilowday in ay raadiso sidii ay ugu soo laaban lahayd ciyaarta xilli ay Ac Milan doonayso in ay sii wado goolasha.
Daqiiqadii 36-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin laakiin soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Qaybtii dambe ayay Labada kooxood sii wadeen raadinta goollal kale xilli ay labada tababare dhiiri galinayeen xiddigaha kooxdooda waliba ka doonayeen goolka kale.
Daqiiqadii 55-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Divock Origi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay ku hogaaminayso ciyaarta.
Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa ku soo baxday kaalinta 2-aad ee Group-ka kadib markii ay garaaceen kooxda Fc Porto kulan laba kaadh oo casaan ah la qaatay.