DAAWO:-Man City Oo Ka Aar Gudatay PSG +SAWIRRO

1204

Sheekada ciyaarta : Man City iyo PSG ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli guud ahaan hanaan ciyaareedka qeybtaas hore uu janjeerayay dhanka Man City .

City kaliya waxaa ka maqnaa dhameytirka , si waiba ayay halis u giliyeen goosha PSG kuwaasi oo ay ku adkeyd in kubadda ay gaarsiiyaan aagga goosha Man City .

Halista City waxa ay ka imaaneysay garbaha gaar ahaan dhanka Riyad Mehraz , kaliya waxaa City ka maqnaa dhameystirka xilli heerka kubad haysashadooda ay gaareysay %56

Soo laabashadii , City waa ay halisgiliyay goosha PSG balse  si sax uma bartilmaameysan,  ciyaartooyda City oo banaanka u soo baxayay ayaa keentay in gool rogaal celis ah lagu helo oo uu qaladkooda lahaa daafac waxaana daqiiqadii 50-aad ka dhaliyay K. Mbappe

Ka dib goolkaas , PSG waa ku dheeranayeen in kubadda la qeybsadaan City waliba in ay gaaraan aagga gooshooda City .

City waa sigayeen goosaha PSG ilaa ay ku keeneen gool si wacan looga shaqeeyya waxaana daqiiqadii 62-aad u dhaliyay . Sterlin

City gool cajiib noqon lahaa daqiiqadii 70-aad waxaa u diiday goolhayaha PSG kaasi oo kubad qurux badan ka bad baadiyay Jesus kaasi oo daqiiqadii 54-aad soo galay markii loo saaray leksandr Zinchenko

Neymar ayaa gool xaqiiq ahaa PSG ka qasaariyay waxa ayna aheyd daqiiqadii 73-aad waxa ayna PSG ahaayeen kuwo gaarayay afka hore  Man City waliba markii Di Maria la soo giliyay daqiiqadii 68-aad .

City, cadaadis ayay saareen PSG ilaa ay ku keeneen gool cajiib ah waxaana dhaliyay Jesus daqiiqad 77-aad

PSG dhamaadkii isku dayo ayay sameynayeen balse waxaa dilayay go`aanno deg deg ah oo ay qaadanayeen , balse waxaa loogu dhameeyya.